Culimada Soomaliyeed oo kubaaqay in lasoo Xiro ninkii ku gafay Nabiga NNKH

Culimadda Soomaaliyeed ayaa Bayaan ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in Ninka lagu Magacaabo C/wali Sheekh Cali Cilmi uu u Gafay Nabigeena Muxamed NNKH islamarkaana uu yahay Nin ka baxay Diinta Islaamka, waxaana ay Cambaareeyeen Falkaasi Foosha Xun.

Culimada Bayaankaan soo saaray waxaa kamida Sheekh Bashiir Axmed Saalad ,Sheekh Nuur Baaruud Gurxan,Sheekh Yuusuf Cali Caynte,Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Soomow,Sheekh Cali Wajiis iyo Culimo kale oo aad u badan, waxaana Dhamaantood ay sheegeen in lagu jiro Aakhiru Saman islamarkaana Dagaal lagu wado Diinta Islaamka

Culimada ayaa ugu baaqay Maamulka Galmudug in ay Sharciga horkeenaan Ninkaan u Gafay Xabeebkeena Muxamed Naxariis iyo Nabad Gelyo Korkiisa ha ahaatee.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.