Ra’iisal Wasaaraha Itoobiyo oo ka hadlay dagaalada u dhaxeeyo Soomaalida iyo Oromada dalkaasi wada daggan

Hailemariam Desalegn Ra’iisul Wasaraaha Dowladda itoobiyo ayaa ka hadlay rabshado dad badan oo Soomaali ah ay ku dhinteen kuwa kalane lagu la’yahay oo ka dhacday gudaha Itoobiya Islamarkaana dhexmartay qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee ku wada nool dalkaasi.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa  sheegay in marka hore uu tacsi u dirayo Eheladii iyo qoysaskii dadkooda ku waayay dhibaatadaasi in ka badan laba bilood ka socotay xadduuda u dhaxeysa Oromada iyo Soomaalida wada dega dalka Itoobiya.

Rabshadahan ayuu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in labada dhinacba ay kaga dhinteen dad aan waxba galabsan oo aad u badan, taasi bedelkeeda ayuu sheegay in uu amray Ciidamada Itoobiyo si wax looga qabto dhibaatadaasi.

Labada dhinac ayuu ugu baaqay in ay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka u dhaxeeyo Islamarkaana ay wada hadal ku dhameeyaan muranka u dhaxeeyo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.