DHAGEYSO-:Oromada Itoobiyo ee ku nool magaalada Muqdisho oo ka hadashay dagaalka ka socda dalka Itoobiyo

Cali Xuseen Cali oo muddo dheer ku nool magaalada Muqdisho kana ka tirsan Qowmiyadda Oromada ee ka soo jeeda Dalka Itoobiyo oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay dagaalka gudaha Itoobiya ku dhax-maraya Qowmiyadda Oromada iyo Soomaalida deggan Itoobiyo.

Cali ayaa sheegay in uusan dagaalka u dhaxeynin Soomaalida Itoobiyo deggan iyo Oromada balse uu u dhaxeeyo oo kaliye Labo beeleed oo ka soo kala jeedo Soomaalida iyo Oromada Islamarkaana ay aheyd xiisad mudooyinkii ugu danbeeyay halkaasi ka taagneed.

Labada dhinac ee dagaalamaya ayuu ugu baaqay in ay dagaalka Joojiyaan, isagoo codsaday in Dowladda Itoobiyo ay soo kala dhax-gasho Dhinacyada dagaalamayo

halkaan hoose ka dhageyso codka cali

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.