Faah Faahin ka soo baxeyso dil ka dhacay Gaalkacyo

Faah Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxayo dil Kooxo hubeysan ay ka geesteen Xaafadda Garsoor oo ku taala Wuqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobalka Mudug.

Kooxda Dil ka geestay ayaa la sheegay in ay ahaayeen dhalinyaro watay Bastoolado kuwaas oo la sheegay in ay toogasho ku dileen Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland.

Ragga dilka geysatay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen waxaana dhacday in Ciidamada amaanka ay halkaasi ka sameeyaan Baaritaano inkastoo aan cidna lagu soo qaban Howlgalkaasi.

Dilka ka dhacay Gaalkacyo ayaa saameynaya amaanka deegaanka waana mid ka mid ah dilalkii ugu horeeyay ee ka dhaca magaalada Gaalkacyo tan iyo markii ay heshiis kala saxiixdeen Galmudug iyo Puntland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.