Maqal iyo Muuqaal:Munaasabad lagu furayay sanad Dugsiyeedka 2017/2018 ee Jaamacadda Galgaduud oo lagu qabtay Caabudwaaq.

Munaasabaddan lagu Daahfurayo Sanad Dugsiyeedka 2017/2018 Jaamacadda Galgaduud University ee Degmada Caabudwaaq ayaa waxaa ka soo qayb galay Maamulka iyo Ardada jaamacadda, Qaybaha kala duwan ee Bulshada, masuuliyiin ka socotay Maamulka Degmada iyo Wasiiro ka tirsan Dawalada Goboleedka Galmudug.

Maamulaha jaamacadda Galgaduud Maxamuud Dirir ayaa ugu horayn ka hadlay furitaanka Jaamacadda waxaana uun ka warbixiyay Jaamacadda iyo Howlaha lagu soo kordhiyay ee ay Jaamacaddu gaartay

Gudoomiayha Ururka Ardda jaamacadda Mahad Duco iyo Cabdulqadir faarah Cabdulle oo kamid ah ganacsatada degmada ayaa oga mahad ceshay maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda dadaalka ay ku dhisayaan garaadka aqoonta bulshada COADAD.

Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka Degmada Muuse Maxamed Inji Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga Dawlada Galmudug Mahad Xasan Maxamed ayaa hadalo ay ka soo jeediyeen gababagadii munaasabada waxaa ay ku sheegeen inay soo dhaweynayaa horumarka ay samaysay Jaamacadda Galgaduud.


C/kariin Axmed Bulxan Caabudwaaq Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.