K/Galbeed oo ka hadashay shirarka ka dhanka ah ee lagu qabto Muqdisho

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in magaalooyinka ka baxsan Koonfur Galbeed aanan lagu qaban karin shirarka ka dhanka ah maamulka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf (Gacma) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay Guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir iyo Baay in ay ka wada hadli doonaan in shirar ka dhan ah Koonfur Galbeed aan lagu qaban Muqdisho.

Nuuradiin Gacma ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aal aheyd in magaalada Baydhabo ay ku xir xireen siyaasiyiin ka soo horjeeda Koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay in arrimahaasi aysan waxba ka jirin, balse ay xireen dad fowdo iyo amni daro abaabulayay.

“Guddoomiyeyaasha Baay iyo Banaadir ayaa ka wada hadlaya shirarka ka dhanka ah Koonfur Galbeed ee lagu qabto Muqdisho, marna ma aqbaleyn in Koonfur Galbeed dusha laga saaro, dhaliil aysan laheyn, annnaga waxaan xirnay dad fowdo waday, ee ma aanan xirin siyaasiyiin”. Ayuu yiri Nuuradiin.

Dhanka kale Xildhibaan hore Mustaf Muqtaar Guudow oo ka mid ah siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa Risaala u sheegay xilligan in aysan suuragl noqon karin il caburiyo aragtida shacabka.

Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa iminka cadaadis xoogan waxa ay kala kulmeysaa siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanadaas, kuwaasi oo dhaliilsan hanaanka maamul ee Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.