Faah faahin Haweeney lagu toogtay Muqdisho

Koox hubeysan ayaa saakay degmada Xamar Jajab waxa ay ku dileen Haweeney la sheegay in ay ka tirsaneyd maamulka degmada Xamar Jabab ee gobolka Banaadir.

Dhalinyaro ku hubeysneyd Bastoolado ayaa la sheegay in Haweeneyda ay ku dileen Agagaarka xarunta degmada, kadibna ay goobta ka baxsadeen, kahor inta halkaasi aysan soo gaarin Ciidamo hubeysan.

Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Foos Maxamed Xuseen, isla goobta ayayna ku geeryootay, sida ay warbaahinta Risaala u sheegeen dadka degaanka.

Rilsaala warkan waxaa u xaqiijiyay xubin ka mid ah maamulka degmada, kaasi oo sidoo kale sheegay maamulka degmada in ay ka tacsiyadeynayaan geeridan naxdinta leh, ayna dabagal ku sameynayaan dableydii dilka geysatay.

Shalay ayay aheyd markii koox hubeysan ay Taliyihii Nabad sugidda degmada Kaxda (Qooley) ku rasaaseeyeen Gaari uu watay oo marayay degmada Dharkeynley, taasi oo sababtay in isaga iyo mid ka mid ah ilaaladiisa ay halkaasi ku geeryoodaan.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan waxaa joogto ka noqday dilalka loo geysanayo masuuliyiinta Dowladda, Askarta iyo dadka shacabka ah, kuwaasi oo masuuliyadooda inta badan ay sheegtaan ururka Al-shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.