Dhacdadii Siinka dheer 16/09/17 waa yaab iyo amakaag! Wabilaahi Tawfiiq,W/Q.Abdullaahi Jimcaale Faarax

jim

Waxaa marar badan soo laalaabta ciidamada dawlada oo dagaalamay oo ay u denbaysa tii dhacday shalay oo taariikhdu ahayd sida kor ku qoran ,maamulka dawlada iyo .saraakiisha dawlada waxaa ka dhexmuuqada aqoonyahano iyo

Saraakiil shaqada ciidanka ku soo jirey mudo dheer marka aan maqlo waxa dhacaya waxaan is weydiiyaa sedee wax ka yihiin masuuliinta manta,markaas waxaa igu soo dhacda ninkii yiri( XAGGEE SALAADU ISKA QABAN LA,dahay)malaha aniga ayaa wax iga khaldan yihiin oo arintu iigu muuqataa(QOF FADHIYA LAGDIN LA FUDUDAA).

Aaan dulucda u dego ciiddan meel degan oo mileteri ah yaa meesha ka rari kara ama hubka ka xarayn kara ? Waxay ila tahay ila tahay amar ka yimid taliska nooca ciidanka uu ka tirsan yahay ka yimid oo loo soo mariyey taliyaha xukuma taliyaha kale ee haysta ciiddanka meesha laga raraayo ama hubka laga dhigaayo,nabadsugidu meleteri hub kama dhigi karto booliiskana waa la mid sidoo kale mileterigu kama dhigi karo ciiddamada kale hubka,waxaa dhici karta koox noocyada ciidanka ka mid ah in ay falaagoobi karto amarka taliskooda iyo kan dawlada ay diidaan,markaas go,aan dawladeed in lagu wajaho oo ciidamadu iska kaashadaan way mudan tahay arintaas.

Haddaba arintii siinka dheer 16/09/17 iyo kuwii ka horeeyey hadday amar dawladeed ku dhacday dawladu arintaas wax ha ka bedesho oo khibrabxumo baa muuqatee ha adeegsato dadka waayo,araga u ah hawlkasta oo laqabanaayo si loo yareeyo khladaadka dhacaaya.

Haddii nin taliye ah uu shaqadaas ku tilaabsaday waxaan u arkaa in uusan dawlada u shaqayneyn ee cadaw fashilkeeda ka shaqaynaayo ahaa ,waana in uu xilkiisa waayaa ama maxkamad wajahaa ilaa dad baa dhintay ama dhaawacmay.

Wabilaahi Tawfiiq,W/Q.Abdullaahi Jimcaale Faarax

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.