Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan yeelanaya

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa manta kulan ku yelanaya xarunta ay ku shiraan ee magaalada muqdisho sida qaar kamida xildhibaanada ay u sheegeen warbaahinta.

Kulanka ay maanta yeelanayaan Xildhibaanada golaha shacabka ayaa ajandihiisu waxaa uu yahay Akhrinta koobaad ee Hindise Sharciyeedyada Waxbarashada iyo Biyaha oo ka mid ah 10 hindise Sharciyeedyo oo ay soo meel mariyeen golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya 13ki bishaana loo qeybiyay Xildhibanada Golaha shacabka ee Soomaaliya.

Sidoo kale Xubnaha Golaha shacabka horyaalla Arrinta Abdikariin Sheekh Muuse “Qalbi Dhagax” oo Dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay Itoobiyo.

Gudoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa 13ki Bishaan Saaciyay In guddi loo saaraya arrinta Abdikariin Qalbi dhagax guddigaas ayaana lagu ballansanaa in 16-ka bishaan la Shaaciyo magacyada iyo xubnaha uu ka kooban yahay iyo waqtiga uu warbixinta kula laabanaya Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.