Madaxweyne Waare”Magaalooyinka go’doonsan waa xabsi kor ka fursan waxna waan ka qaban doonaa

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo wareysi siiyay Idaacadda VOA laanta afka Soomaaliga ah ayaa ka hadlay Waxyaabaha ugu horeeyo ee uu wax ka qaban doono Maamulkiisa.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in uu wax ka qaban doono Xalinta dagaal beeleedka iyo dagaalada Al-Shabaab ee gobalka ka socda kuwaas oo go’doon giliyay magaalooyin badan oo Hirshabeelle ka tirsan.

“Ahmiyadda 1aad waxaan siin doonaa sidii dadka xal loo dhax dhigi lahaa iyo sidii aan isugu furi laheyn wadada Muqdisho iyo Beled-weyne isku xerta iyo sidii aan uga adkaan laheyn Al-Shabaab” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Sidoo kale Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle ayaa soo hadal qaaday Magaalooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab ee ku yaala deegaanada Hirshabeelle waxa uuna sheegay in dhawaan laga dul qaadi doono go’doonka.

“Magaalooyinka go’doonka ku jira xur maahan, waa Xabsi kor ka fursan dhawaana waan ka dul qaadi doonaa shacabka dhibka ay ku noolaayeen muddo dheer ” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.