Dad loo soo qab qabtay Askar lagu dilay Muqdisho

Ciidamada amaanka degmada Dharkeynlay ayaa la sheegay in ay qab qabteen tiro dad ah oo daganaa Xaafad ka mid ah degmadaasi oo lagu dilay Labo ka mid ah Ciidanka Minishiibiyada Soomaaliya.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Idaacada Kulmiye u xaqiijiyay in Ciidamada ay qabteen ilaa 5 qof oo dhalinyaro ah kuwaas oo ku sugnaa suuq ku yaalo degmada Dharkeynlay ee Gobalka Banaadir.

Qabashada dadkaan ayaa timid kadib markii Dhalinyaro Bastoolado ku hubeysan ay toogasho ku dileen Labo ka mid ah Ciidamada Minishiibiyada Soomaaliya waxaana kooxdii dilka geysatay ay hore u qaateen Qori ay wateen Askarta la dilay.

Degmada Dharkeynlay ayaa waxaa joogto ka noqday dilalka maalmihii la soo dhaafay waxaana todobaad gudihiis ka dhacay ku dhawaad 10 dil kuwaas oo siyaabo kala duwan u dhacay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.