Dhimasho ka dhalatay weerarkii Shabaab ku qaadeen deegaanka Kalabeyr

Ugu yaraan 4 Askari ayaa ku dhintay in kabadan 5 kalane Dhaawac ayaa ka soo gaaray weerar Aroortii hore ee saakay Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku qaadeen bar Kontarool oo ay Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen deegaanka Kalabeyr ee duleedka magaalada Beled-weyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Hiiraan Col isaaq Cali Cabdulle ayaa Idaacada kulmiye u xaqiijiyay in Weerarkan Dagaalamayaasha Al shabaab Ku qaadeyn kalabeyr ay Ku dhinteen ilaa afar askari oo Ku sugna deegaanka islamarkana dagaal socday saacado u dhax-maray Ciidamada dowlada iyo Al shabaab.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada oo wata gadiidka Dagaalka ayaa Ku baxay deegaanka kuwaas oo la  sheegay in ay Ku raad  joogan kooxihii weeraray deegaanka kalabeyr.

Xaaladda deegaanka Kalabeyr ayaa hada dagga waxaana si buuxda u maamulaya Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay ka dib weerarkii Al-Shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.