Xildhibaan Dalxa oo wax laga xumaado ku tilmayay dhacdadii dadka soomaliyed lagu layay ee ka dhacday deeganka oromada

Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay  ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dadka Soomaaliyeed ee lagu dhameeyay gobalo ka mid ah dalka Itoobiyo.

Xildhibaan Dalxa ayaa ugu baaqay Xukumada Soomaaliya in ay Itoobiyo kala hadasho sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada Soomaalida ay kala kulmeyso Qowmiyadda Oromada ee Dalka Itoobiya.

“wax ka badan boqol qof ayaa la dilay tiro kalane nolal iyo geeri meel laguma sheego, waxaan ku baaqayaa in ay Xukumadda hurdada ka kacdo oo ay la xariirto Dowladda Itoobiya sidii loo badbaadin lahaa Shacabka Soomaaliyeed ee la laynaayo” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Sidoo kale Xildhibaan Dalxa ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar in uu Dowladda Faderalka ee Dalka Itoobiyo kala hadlo sidii loo baajin lahaa weerarada Shacabka Soomaalida ee ku nool Dalkaasi.

Soomaali badan oo ka soo kala jeeda Guud ahaan dhulka Soomaaliya ayaa lagu laayay Gobalo ka mid ah Dalka Itoobiya oo ay ka mid tahay Gobalka Hawadaay oo dad badan lagu laayay.

Sidoo kale waxaa jirto in aan meel lagu sheegin Nolal iyo Geeri boqolaal Soomaali ah kuwaas oo ay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiyo wado D=Baadi goobkooda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.