Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Guddiga Taakuleynta Ciidamadda Qalabka Sida {SAWIRO}

Muqdisho, 16 Seb, 2017——** Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka
ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta la kulmay
Guddiga Taakuleynta & Wacyi-gelinta Ciidamada Qalabka, waxana
kulankani looga hadlay dar-dar gelinta howlaha muhiimka ah ee
horyaalla.

Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha guddiga ayaa ka wada hadlay
qorshayaasha guud ee horyaala oo ay ka mid tahay dadaallada shacabka
ee ku aaddan ka qayb qaadashada taakuleynta ciidamada iyo diyaarinta
istaraatiijiyadda wacyi-gelinta laamaha kala duwan ee ciidamadda
Qalabka Sida.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iney gacan ka geystaan
taakuleynta Ciidanka Qaranka, haddii aynaan gacanteena ku dhisan
ciidan tayo leh ma jirto cid kale oo intay meel kale nooga timaada
inoo dhiseysa”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay Xukuumadda uu hoggaamiyo in mudnaan sare
ay u leedahay dhismaha ciidamadda, isla markaana dhowrka sano ee soo
socda laga gaari doono guul wax ku ool ah.

—DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka**

Muqdisho, Somalia**

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.