Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya iyo IGAD oo maanta Jowhar ku wajahan

Wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano ah oo ka tirsan Dowaldda dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta gaaraan Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle si ay goob joog ugu noqdaan doorashada Sabtida ka dhaceyso Jowhar.

Gudoomiye ku xigeenka Gudiga doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle Abuukar Xasan Cali ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in ay soo dhamaatay diyaar garowgii doorashada khudbadihii ugu danbeeyayna Shalay lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Jowhar lana dhowrayo oo kaliya in doorashada ay dhacdo.

Xubnaha Murashaxiinta ah oo ka kooban Ilaa 8 murashax ayaa kulamo gaar gaar ah la leh Xildhibaanada Hirshabeelle iyagoo weydiisanaya Codadkooda waxaana jawi siyaasadeed culus laga dareemaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle.

Sideedda Murashax ee tartameysa ayaa isugu jirto Siyaasiin aad loo yaqaano iyo rag ku cusub Siyaasadda waxayna dhamaantood mid walba rajeynayaa in uu noqdo Madaxweynaha Xiga ee Hirshabeelle.

Gudiga doorashada Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay in lagu war-giliyay in doorashada ay ka soo qeyb gali doonaan wafdi ka socda IGAD kuwaas oo la filayo in sidoo kale ay Jowhar gaaraan.

“Wafdi ka socda Dowladda oo isugu jiro Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa noola sheegay in ay imaanayaan sidoo kale waxaa noola sheegay in ay soo raacayaan wafdi kale oo ka socda IGAD waana u diyaar garownay soo dhawaynta wafdigaasi”ayuu yiri Abuukar Xasan Cali.

Dhinaca kale Amaanka Magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay waxaana lagu arkaaya Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo aad u feejigan iyo Kuwa midowga Africa ee AMISOM.

Sideedda Murashax ee Tartanka dhaxmari doono ayaa lagu kala magacaabaa.

1- Daahir Cabdulle Cawaale

2- C/raxmaan Xuseen Caddow

3- Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf-dabageed)

4- Maxamed Caruushe Diirow

5- C/naasir Xaaji Shurwac Maxamuud

6- Cabdi Faarax laqanyo

7- Maxamed Cabdi Waare

8- C/kariin Cali Nuur

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.