Maraykanka oo Muwaadiniintiisa uga digay in ay tagaan 6 Gobal oo ka mid ah Kenya Cabsi laga qabo Al-Shabaab

Dowladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in ay booqdaan Guud ahaan dalka Kenya oo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan Rabshado la xariirada doorashada ku celiska ah ee lagu wado in ay ka dhacdo dalkaasi.

Sidoo kale Dowladda Maraykanka ayaa ka digtay qataro dhinaca amniga ah oo ay Al-shabaab ka geysan karaan Lix gobal oo Kenya ka tirsan iyadoo ka digtay in Gobaladaasi ay Muwaadiniinteeda booqdaan.

War-qoraal ah oo ka soo Wasaaradda Arimaha dibadda Dowladda Maraykanka ayaa lagu wargiliyay Muwdaaniniinta u dhashay dalkaasi in aysan u safrin Kenya ka hor doorashada ku celiska ah sababtana waxaa lagu sheegay in ay dalkaasi ay u muuqato mid marti gilin doono rabshado ka dhashay doorashada ku celiska ah ee dhawaan dhici doonto.

Sidoo kale qoraalka wasaaradda Arimaha dibadda ee USA ayaa lagu sheegay in Muwaadiniinta maraykanka loogu baaqayo in aysan marna booqan Gobalada kala ah Mandera, Wajeer, Garissa Tana River, Lamu iyo qeybo ka mid ismaamulka Kilifi sababtuna waxaa lagu sheegay in gobaladaasi ay ka taagan qatar amniga oo laga cabsi qabo weerarada Al-shabaab.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada Gudaha Kenya ay ku qaadayaan kuwaas oo lagu dilay muwaadiniin badan oo kenyan ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.