Ciidamada Xasilinta oo Xalay Baaritaano dad lagu qab qabtay ka sameeyay D/Warta-Nabadda

Howlgal xoog leh oo lagu soo qab qabtay boqolaal dhalinyaro ah ayaa xalay Xarunta degmada ilaa geed jeceyl waxaa ka sameeyay Ciidamada Xasilinta magaalada Muqdisho kadib dilal Muqdisho ku soo laab laabtay habeenadii la soo dhaafay.

Dadka deegaanka ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in ay xaafadaha degmada soo galeen Ciidan hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka Islamarkaana ay qab qabteen dhalinyaro badan kuwaas oo markii danbe la isugu geeyay meel barxad ah oo u dhaw Xarunta degmada waxaana la sii daayay qaar ka mid ah dhalinyardii ay Ciidaka qabteen.

Howlgalka ayaa waxaa lagu qab qabanyay oo kaliya dhalinyarada ku sugneed Suuqyada iyo Xaafadaha degmadaasi mana jirin Howlgal lagu sameynayay Guryaha ay dadka dagan yihiin sida ay  sheegeen dadkii ka agdhawa goobahaas

Waalidiin badan oo caruurtooda ay soo wateen Ciidanka amniga ayaa sidoo kale isugu tagay barxad ku taala meel ku dhax xarunta degmada, dadkii Howlgalka lagu soo qabtay ayaa la soo daayay intooda badan waxaana laga reebtay dhowr qof oo aan la ogayn waxa ay ahaayeen.

Degmada Warta-Nabadda ex wardhiiglay ayaa ka mid ah degmooyin Habeenadii la soo dhaafay ay ka dhaceen ilaa dhowr dil oo dad kala duwan loogu geestay degmadaasi.

Magaalada Muqdisho oo soo martay Habeeno daganaan ah ayaa maalmihii la soo dhaafay marti gilisay dilal badan oo loo geestay shaqaale iyo Ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dad Shacab ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.