Ammaanka magaalada Jowhar oo aad loo adkeeyay

Ammaanka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa aad loo adkeeyay, maadaama maalinta berri oo Sabti ah lagu wado in ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa lagu arkayaa wadooyinka waa weyn ee magaalada Jowhar, iyaga oo gawaarida dadweynaha ku baaraya barkontoroolada ku yaalla Jowhar.

Ciidamo gaar ah oo ka tirsan AMISOM ayaa sugaya ammaanka guud ee xarunta Doorashada, si uusan u dhicin falal ka baxsan amniga, inta lagu guda jiro Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Dhanka kale Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeallaha Dhexe waxaa ku sii qul qulaya wafuud kala duwan oo lagu wado in ay dusha kala socdaan Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Wufuudan ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiiro Xukuumadda ka socda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, qaar ka tirsan Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada, xubno ka socda Urur goboleedka IGAD iyo Beesha Caalamka.

Sideeda musharax ee u taagan xilka Madaxtinimada Hirshabeelle ayaa kala ah Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), Maxamed Cabdi Waare, Maxamed Caruush Diirow, C/raxmaan Xasan Caddow, C/naasir Maxamed Shirwac, C/kariin Cali Nuur, Cabdi Faarax laqanyo iyo Daahir Cabdulle Cawaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.