Caqabado Puntland ka heysta Dagaalka Shabaab

Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) Madaxii hore ee Sirdoonka Maamulka Puntland ayaa sheegay in maamulka Puntland uu caqabado ka haysto dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay weeraradii billihii June iyo September ay Shabaabku ku qaadeen xerada Ciidamada Puntland ku leeyihiin Degaanka Af Urur ee Gobolka Bari ay muujiyeen inay jirto dayacaad badan, haddii labadaasi weerar ay Al-Shabaab ugu suurtagashay inay askari badan kaga disho Puntland.

Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) oo la hadlay VOA-da ayaa wuxuu sheegay in weeraradan ay ka dhigan yihiin khasaarihii ugu badnaa ay Shabaabku u gaysteen ciidan Soomaaliyeed oo meel degan.

“Hoggaan-xumo, khibrad la’aan madaxda ciidanka heysata iyo isku xirnaanta hay’adaha amniga oo aan adkayn ayay ka faa’iidaysteen ururka Al-Shabaab, taasina waxay horseedday weeraradii cuslaa ee lagu qaaday saldhiga Af-Urur.” Ayuu yiri (Cabdi Yare).

Dowlad goboleedka Puntland ayaa wuxuu horey ugu adkaystay in uu ku jiro dagaal adag, ciidankooduna ay ku filan yihiin inay iska difaacaan islamarkaana ka saaraan Al-Shabaab degaanada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.