Wariye Cabdullahi Cismaan Macalim oo Xalay ku Geeriyooday magaalada Muqdisho.

Alle ha u Naxariistee waxaa Xalay Isbitaalka Digfer ee Magaalada Muqdisho ku Geeriyooday Wariye Cabdullahi Cismaan Macalim oo ka mid ahaa Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Cabdullahi Cismaan Macalim oo ka Howlgali jiray TV-ga Jubbaland Xafiiskiisa Magaalada Baledweyne ayaa Dhaawac Culus uu ka soo gaaray Madaxa,waxaana uu ku Dhintay Gudaha Isbitaalka Digfer ee Maagalada Muqdisho sida ay noo Xaqiijiyeen Saxafiyiin  ka tirsan Tv-ga Jubbaland.

Illaahey ha u Naxariisto Walaalkeen Samir iyo iimaana Alle ha ka siiyo Ehelka iyo Qaraabadii uu ka baxay”Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.