Musharaxiinta Xilka Madaxweyne ee Hirshabelle oo Maanta Qudbado jeedinaya

hirsh

Maanta oo ah Arbaco 13-ka September waxaa Magaalada Jowhar Ee Xarunta Maamul Goboleedka Hirshabelle ka bilaaban doonta Dhageysiga Musharaxiinta u Tartamaya Xilka Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle.

Musharaxiinta ayaa la sheegay in illaa Afar kamida Maanta laga dhageysan doono Qudbad ay uga hadlayaan Barnaamijkooda Siyaasadeed,waxaana Xildhibaanada Hirshabelle lagu Wargeliyay in ay Maanta soo Xaadiraan,

Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle ayaa loo balamay in la qabto Maalinta Sabtida ah ee soo socota,waxaana Xilka Madaxweynaha Hirshabelle ku Tartami doona illaa 7 Musharax inta illaa hadda is-diiwaan gelisay.

Cabdikariin Cali Nuur.Daahir CabdulleMaxamed Cabdi Waare.Yuusuf Maxamuud Hagar (Dabdageed).Cabdinaasir Shirwac Maxamed.Maxamed Caruush Diirow iyoCabdiraxmaan Xuseen Caddow

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.