Wariyaasha madaxa banaan ee jubaland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Cabdulahi Cismaan Macalin

tacsi

Waxaan Tacsi Tiiraanyo Leh Ka Direynaa Geeridii Xanuunka Badneyd Ee Ku Timid Allaha U Naxariistee Marxuum Wariye Cabdullaahi Cismaan Macalin Oo Xaley Sagaal Saac 9:00 Am Ku Geeriyoodey Isbitaalka Digfeer Ee Magaalada Muqdisho Oo Uu Dhaawiciisu Yaaley.

Waxaana Tacsi U Direynaa Dhamaan Wariyaasha Soomaaliyeed , Ehelo, Qoys Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Marxuun Wariye Cabdullaahi Cismaan Macalin Oo 10/09/2017 Uu Dhaawac Kasoo Gaarey Qarax Is-miidaamin Ahaa Oo Kadhacey Magaalada Baledweyn Ee Xarunta Gobolka Hiiraan Gaar Ahaan Kasoo Horjeedka Xarunta Gobolka Halkaas Oo Uu Isku Qarxiyey Qof Naftiisa Haligey Waxaana Xiligaas Ku Geeriyoodey 6 Qof Halka 15 Kalena Ay Ku Dhaawac-meen .

Dadka Dhaawaca Uu Xiligaas Kasoo Gaarey Qaraxa Waxaa Ka Mid Ahaa Sadex Wariye Oo Ka Mid Ahaa Wariyaasha Ka Howl-galo Magaalada Beledweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan Waxaana wariyaashaas Ka Mid Ahaa:-

(1) C/shakuur Maxamed Xasan Oo U Shaqeeyo Tv-ga Saab Tv

(2) Cabdi Khaadir Oo U Shaqeeyo Tv-ga RTN

(3) Cabdullaahi Cismaan Macalin Oo U Shaqeynaayey Jubaland Tv Oo Ah Marxuunka Xaley Geeriyoodey Kaas Oo Dhaawacu Kasoo Gaarey Madaxa
Waxaana Dhaawaciisa Labo Maal-mood Ka Dib Loola Cararey Magaalada Muqdisho Gaar Ahaanna Isbitaalka Digfeer Kadib Markii Sida La Ii Sheegey Ay Xoogaa Qarash Ah Oo Jeebkooda Ah ay Iska Aruuriyeen Wariyaasha Magaalada Baled-weyn Iyo Qaraabada Marxuunka .

Hayeeshee Dhaqaatiirta Isbitaalka Ayaa Sheegey In Dhaawaca Wariye Cabdullaahi Aanan Waxbo Looga Qaban Karin Dalka

Waayo Dhaqaatiirtu Waxaa Ay Sheegeen In Wariye Cabdullaahi Ay Maskaxda Kaga Taagan Tahay Bir Islamarkaasina Ay Qeyb Ka Mid Ah Maskaxdu Madoobaatey .

Inkastoo Ay Dhaqaatiirtu Arinkaas Xaqiijiyeen Hadana Ma Aysan Dhicin In Uu Helo Wariye Cabdullaahi Caawinaad Ama Gar-Gaar Caafimaad Oo Deg Deg Ah Oo Dalka Dibadiisa Loogu Qaadey Waxaana Xug-maneyd In Uu Xaley Ku Geeriyoodo Isbitaalka Digfeer Ee Magaalada Muqdisho .

Geeridu Waa Xaq Nafkastana Waa Ay Dhimaneysaa Maalin Laakiinse Su’aashaad Meesha Taalo Ayaa Waxaa Ay Noqoneysaa Allaha U Naxariistee Marxuun Cabdullaahi Waxaa Uu Ahaa Wariye Ka Howl-galo Xarun Warbaahineed Oo Uu Leeyahay Maamul Goboleedka Jubaland Xaq-weyn Ayaana Ka Saarnaa Ku Dadaalidda Caafimaadka Wariyaha Geeriyoodey Ee Maxaa Loo Qabtey ?

Sidoo Kale Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Iyo Ururka Saxafiyiinta Qaranka Iyagana Masuuliyad Ayaa Ka Saarneyd Oo Waa Wariye Soomaaliyeed Iyaguna Maxaa Ay U Qabteen .

Ugu Dambeyn Waxaan Codsaneynaa Allaha U Naxariistee Marxuunka Wuxuu Ka Tagey Caruur Xaas Iyo Waalidiin Uu Isaga Masuul Ka Ahaa Maantana Wuu Ka Geeriyoodey Oo Waad Aragtaan In Dadkaas Sidii Noloshooda Wax Loogu Tari Lahaa Laga Fikiro .

F , G Hadalkeygu Ma Ahan Wax Xumeyn Ee Waa Baraarujin Meelaha Uu Quseeyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.