Doodii baarlamaanka ee Kiiska c/kariin (Qalbi Dhagax)oo soo dhamaatay iyo Guddi loo saaray

Doodii Xildhibaanada Golaha shacabka ay ka lahaayeen qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax ayaa goor dhow soo dhamaatay, iyadoo Guddoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay in arrintan loo saaray Guddi.

Xildhibaanada ayaa doodooda aad ugu kala aragti duwanaa, qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ku doodaya in go’aankii Xukuumadda uu ahaa mid aan sharci aheyn, isla markaana ay khalad aheyd in dowladda Soomaaliya u gacan geliso Sarkaalkii ONLF ka tirsanaa dowladda Itoobiya.

Sidoo kale Xildhibaano kale ayaa difaacayay go’aanka Xukuumadda ka qaadatay kiiskaas, iyagoo ku taageera.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gaba gabadii markii dooda dhamaatay waxaa uu ku dhawaaqay in arrintan ay guddi u saareen, isla markaana Guddiga marka uu go’aan soo gaaro ay natiijada u soo gudbinayaan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirtay sidii arrintan xal looga gaari lahaa, isla markaana go’aankii ay gaartay loo aqbali lahaa, hase ahaatee waxaa arrinta ku soo biyo shubatay in Guddi loo saaro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.