Ra’iisul Wasaaraha Bangladesh oo Maanta Booqanaysa Qaxootiga Rohingya

Ra’iisul Wasaaraha Bangladesh, Sheikh Hasina, ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaada ah ay booqato xerada Kutupalong, ee ay maamusho Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, xeradan ayaa ka mid ah xeryaha qaxootiga ee loo sameeyay Muslimiinta Rohingya.

Booqashadan ayaa ah tallaabadii ugu weynayd ee ay dowladda Bangladesh ku muujinayso inay ka go’an tahay inay shaaca kaga qaaddo qaxootiga Muslimiinta Rohingya ee ka soo qulqulaya dalka dariska ah ee Myanmar, iyo weliba inay dalbato caawin caalami ah si dhibaatadan wax looga qabto.

Todobaadkii la soo dhaafay ayey Sheekh Hasina “culeys weyn” ku tilmaantay tobonnaanka kun ee Muslimiinta Rohingya ee dalkeeda soo gaaraya.

Xeryihii markii hore la daalaa dhacayay inay qaabilaan dadka cusub ee soo gaaraya ayaa gebi ahaanba haatan buuxsamay.

Xeryo cusub ayaa la dhisay, haddana hareeraha waddooyinka iyo meelo bannaan ah ayey dadku u hooyanayaan iyagoo roobka ka okoranaya waxa ay awoodaan.

Dowladda Bangladesh ayaa la daalaa dhacaysa sidii ay ku maareyn laheyd tiradan sidoo kalana ay u xakamayn laheyd deeqaha aan habeysnayn ee soo gaaraya.

Sidoo kale waxa ay bilowday inay diiwaangeliso dadka cusub ee halkaas soo gaaraya.

Waxaa isbadel uu ku yimid siyaasadda dowladda Bangladesh taas oo markii hore shaki ka qabtay sharciyadda muhaajiriintaasi.

Hasayeeshee haatan waxa ay doonaysaa inay diiwaangeliso dadkaasi, si ay mustaqbalka ugu ogaato inay yihiin muwaadiniin dalka Burma ka soo jeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.