Faah-faahin:-Dil Xalay Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

Kooxo hubeysan ayaa xalay  Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxa ay ku dileen  Wiil dhalinyaro ahaa.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka Wiilka la dilay ayaa fadhiyey agagaarka hotelka Kulmiye ee magaalada Gaalkacyo, waxaana rasaas ku furay rag bastoolado ku hubeysnaa oo weerar ku qaaday.

Marxuumka la dilay ayaa isla goobtaas ku qur baxay, iyadoo kooxihii dilayna ay goobta ka baxsadeen.

Dhanka kale Lama oga weli sababta iyo cida ka dambeysay dilka wiilkan oo ka mid ah dhalinyarada ku caan baxay Isboortiga ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.