Madaxweyne Farmaajo oo Lagu Casuumay Shir Ka Dhacaya Magaalada New York

Dowladda Qatar ayaa ku casuuntay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo shir gaar ah oo bishan ka dhacaya magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda Qatar ayaa ka dhinac furmaya shir sanadeedka guud ee Qaramada Midoobey

Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohamed sii Hayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya ayaa shalay kula kulmay Muqdisho Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, iyagoona kawada hadlay xiriirka Soomaliya iyo Qatar.

Sidoo kale labo casuumaad oo ka kala yimid Amiirka Qatar iyo Wasiirka Arrimaha Diabdda Qatar ayaa Madaxweynaha Soomaliya maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaliya Yuusuf Garaad la gaarsiiyay

War Kooban oo lagu faafiyay barta Facebook ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasiir Yuusuf Garaad uu guddoomay casuumadahaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii June ee sanadkan mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay xiisadii siyaasadeed ee dalalka Khaliijka, kaddib markii Xulafada Sacuudiga hoggaaminayo ay xiriirka u jareen dalka yar ee Qatar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.