Puntland oo taageertay go’aanka ay Xukumadda Soomaaliya Itoobiya ugu gacan gilisay Qalbi Dhagax.

dhagax

Bashiir C/raxmaan Xaaji Gurxan Wasiiru Dowladaha Xariirka Gobalada ee Puntland oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa taageeray go’aanka ay Xukumadda Soomaaliya Itoobiya ugu wareejisay C/kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax, go’aankaas oo muran badan ka dhax dhaliyay Hay’adaha Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qaadatay go’aan Sax ah Islamarkaana ay ku taageerayaan go’aankaasi isagoo sheegay in ay muhiim tahay in meelo badan laga fiiriyo sababta loo wareejiyay Qalbi dhagax.

“Go’aankii ay qaateen 6dii Bishaan Xukumadda waan taageersanahay waana mid sax ah oo aduunka oo dhan nagu taageeray waana inaa diidnaa cid kasta oo Soomaaliya Gudahadeeda ugu diilasa Wadamada dariska ah” ayuu yiri wasiiru dowlaha Xariirka gobalada ee puntland.

Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada Aqalka Sare ayuu kula taliyay in ay joojiyaan mooshinka ay wadaan sidoo kale Shacabka ayuu ka dalbaday in aysan dhaliilin Xukumadda oo ay la shaqeeyaan.

“maahan in hal qof dalka oo dhan loo dunsho hadii uu qalad jiro maahan in Dowladda la bur buriyo in aan ka fiirsanaa go’aanka aan gaareyno, wali ma arkin dad ka banaanbaxaya weerarada Al-Shabaab dadka la dilayo ama waxyaabo kale sababta dalka loogu duminayo Qalbi dhagax waa qorshe kale” ayuu yiri Wasiirka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.