Koonfur Galbeed oo ka hadashay dadkii lagu Afduubtay duleedka Baydhabo.

Afayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa Faah Faahin ka bixiyay Gabdho u shaqeynayay NGO’ Samafal oo ka shaqeynayay deegaanada Koonfur Galbeed.

Afayeenka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay Shalay gilinkii danbe ay ka afduubteen 3 qof oo kala ah gabdhood oo ka tirsanaa hay’ad Samafal oo lagu magacaabp Garedo iyo Darawalkii gaariga u waday.

Waa markii labaad oo ay Al-Shabaab hay’adaasi shaqaale ka afduubtaan, Isla sanadkaan ayaa Al-Shabaab 6 ka mid ah Shaqaalaha hay’addaan Garedo waxay ka afduubteen meel u dhaw deegaanka deynuunow waxaana markii danbe ay dadkaasi ku soo daayeen Lacag Madax furasho ah.

Hay’adda Garedo ayaa ah hay’ad ka shaqeyso arimaha gar gaarka gaar ahaan bixinta Cuntada Nafaqada ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.