Nin ay raadinayeen Ciidamada amniga Puntland oo la qabtay

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar-kaar waxaa gacanta lagu dhigay nin ay daba joogeen ciidamada Booliska Puntland, kaasi oo la sheegay in uu ka baxsaday magaalada Garowe.

Ninkan ay daba joogeen ciidamada Booliska ayaa ka mid ahaa ilaalada mid ka mid ah wasiiradii xilka laga qaaday, islamarkaana wuxuu qori kala goostay Puntland.

Kontoroolada qaar ayaa waxaa la dhigay sawirkiisa isagoo sidoo kale ay ciidamadu ka baarayeen Gadiidka isaga baxa gobolada Puntland, ugu dambayna waxaa lagu qabtay degmada Qardho ee kadib markii ay soo sheegtay Hooyadii dhashay.

Taliyaha Saldhiga degmada Qardho Gaashaanle Abshir Maxamed Cabaas ayaa sheegay Ciidamada ammaanka in ay ku guuleysteen soo qabashada ninkaasi, oo magaalada ka waday rabshado.

Dhanka kale Gaashaanle Abshir Maxamed Cabaas ayaa sheegay dhalinyaro isugu jiray rag iyo dumar oo 6-dii bishan lagu soo qabtay Khamri iyo Xashiishad in lagu riday xukun

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.