Dagaal ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka Soomaaliya iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanka Far-libaax oo ku yaala duleedka Magaalada Beledweyn ee Xarunta Gobalka Hiraan sida ay Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyeen dadka deegaanka iyo Saraakiisha gobalka.

Taliska Military-ga Soomaaliya ee gobalka ayaa sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii ay Ciidanka Soomaaliya ay weerar ku qaadan Fariisin Shabaabka doonayeen in ay ka samaeestaan deegaankaasi kadibna uu halkaasi dagaal ka dhacay.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac sida ay noo sheegeen goob joogayaal Far-Libaax ku sugan.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degaanka Far Libaax Cawaale Isaaq Jirre ayaa u sheegay Wakaalada Wararka SONNA  in dagaalka uu ka dhacay Meel qiyaasta 25-km u jirta magaalada Beledweyne.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.