Burundian doonayay in ay ku biiraan Al-Shabaab oo la qabtay

Ntakarutimana Benerd, Niyongere Yusuf, Nshimirimana Fulgnce Shadady iyo Bizoza Abderauf oo ah Muwaadiniin u dhashay dalka Burundi ayaa lagu qabtay wadanka Kenya iyagoo damacsanaa in ay ku biiraan Al-Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya.

Saraakiisha amaanka dalka kenya ayaa warbaahinta u sheegay in ay qabteen Afar muwaadin oo u dhashay dalka Burundi kuwaas oo damacsanaa in ay ka gudbaan Xuduuda Soomaaliya si ay uga soo bar bar dagaalamaan Al-Shabaab oo ay kenya sheegtay in ay qatar ku tahay amaanka gobalka.

Xubno ka tirsan Ciidamada Police-ka dalka Kenya ayaa sheegay in raggan ay ka soo safreen caasimadda Bujumbura iyagoo u soo gaaray magaalada Nairobi dalxiis ahaan kadibna waxa ay safar u soo galeen magaalada Mandera iyagoo soo maray Dagmada Isiolo si ay ugu soo talaabaan Soomaaliya.

Laamaha amaanka dowlada Kenya oo joojiyay bus-ka ay saarnaayeen xili ay marayeen bar-control ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen Raggan u dhashay dalka Burundi oo sheegay in ay ku wajahayihiin Soomaaliya si Al shabaab ay ugu mid noqdaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.