Cabdi Waare oo sheegay in Qaar Ka mid ah Musharixiinta ay Isticmaalayaan Hantida Dowladda

Musharax Maxmed Cabdi Waare oo ah musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle oo warbaahinta kula hadlay magaaladda jowhar  ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah musharixiinta in ay caawineyso dowladda Soomaaliya, islamarkaana isticmaalyaan sida uu hadalka u dhigay hantida dowladda.

Waxa uu sheegay in qaar kamid ah Musharixiintaas ay Madaxda Dowladda Soomaliya wataan islamarkaaana la doonayo in lagu soo saaro doorashada 16-ka bishaan ka dhacaysa Magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulkaas.

‘’Magaalada dhaxdeeda waxaad arkeysaa musharixiin ay ilaalinayaan ciidamadii Qaranka sidoo kalana wata ama isticmaalaya gadiid ay dowladdu leedahay”, ayuu yiri Musharax Maxmed Cabdi Waare.

Waa uu ka gaabsaday in uu sheego magacyada musharixiinta dowladda taageerada ka helaya, hasse ahaatee waxaa uu ku booriyay dhinacyada oo dhan in sharciga loo hogaasamo.

“Beesha caalamka waa ay aragtaa waxa dhacaya hadhow waxaa la leeyahay beesha caalamka maxay noo caawin weyday haddii sharciyada laga leexdo qaanuunka dowligana laga leexdo sidee naloo caawinayaa.”ayuu is weydiiyay musharax Waare.

Maxamed Cabdi Waare ayaa markii labaad isku soo taagay qabashada xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle kaddib markii doorashadii sanadkii hore looga adkaaday.

Si kastaba doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa ka.dhiman mudo afar cisha ah, waxaana  magaalada Jowhar ka soconaya Ol’ole xoogan oo ay wadaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.