Maxay tahay sababta Abshir Bukhaari u mucaaradayo Madaxweyne Farmaajo

Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee aqalka sare Barlamanka Federaalka Somaaliya Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowlada Madaxweyne Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa maalintii shaley 11Sept, 2017 ku guuldareystey qorshe uu rabey in mudanayasha aqalka sare kaga doodaan Kiiska Qalbi Dhagax.

Guddiga joogtada ah ee aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Somaliaya ayaa horey u soo go’aamiyey in mudanayasha ka doodaan Kiiska Cabdikariim Sheekh Muuse “Qalbi Dhagax iyadoo xogaha warsidaha GO helayo sheegayaan in Guddoomiye ku xigeenka Kowaad Mudane Bukhaari arinkaan dabada ka riixayey.

Kadib markii Xildhubaano ka tirsan aqalka sare codsadeen in arinkaan la galiyo cod bixin ayaa afhayeenka aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, ku dhawaaqay in dooda ku aadan arinta Qalbi Dhagax, laga saarey Ajandaha kulanka , kadib markii ay 21 Mudane isku raaceen in dib loo dhigo halka 11 Xildhibaan kasoo horjeysateen, 4 kalena ka aamuseen codka loo qaadey dib u dhigista.

Liis magacyada xildhibanada diidey doodaan iyo kuwa ka hor yimid oo saxafada lagu shaaciyey ayaa gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee aqalka sare waxaa uu kamid ahaa mudanayaal 11 ah ee diidey in doodaan dib loo dhigo.

Abshir Maxamad Axmad “Bukhaari” iyo xubno ku jira aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somaliya ayaa raba in Kiiska Qalbidhagax u edeegsadaan sidii mooshino ay ku ridayaan xukuumada Khayre uga keeni lahaayeen kadibna awood qaybsi siyaasdeed ula sameeyaan Madaxweyne Farmaajo.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.