War Deg Deg: Al-Shabaab oo Saakay Dagaal kula Wareegay Magaalad Belad-Xaawo ee Gobalka Gedo.

deg

Wararka naga soo gaarayo magaalada belad-Xaawo ee gobalka gedo ayaa sheegaya  in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab saakay ay weerar culus ku qaadeen Saldhig Ciidamada jubbaland ay ku leeyihiin Bariga Magaaada belad-Xaawo gobalkaasi.

Dadka Deegaanka ayaa Sheegay in Qarax lagu weeraray saldhiga ciidamada daraawishta ee jubbaland ee ay ku leeyihiin Magalad belad-Xaawo ee Gobalka Gedo,kadibna waxaa ka dhacay Dagaal xoogan oo dhexeeyay Al-Shabaab iyo Ciidamada Jubbaland,iyadoona markii dambe uu dagaalka ku faafahay gudaha magaalada belad-Xaawo

Wararka qaar ayaa sheegaya in khasaaro xoogan uu soo gaaray labada dhinac ee ku dagaalamay,iyadoona  Al-Shabaab ay la wareegeen Magaalada belad-Xaawo ee Gobalka Gedo.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland oo ku sugan Magaalada belad-Xaawo ee Gobalka Gedo oo Saakay aan la Xiriirnay ayaa Sheegay in uu jiro khasaaro ka dhashay Dagaalka,Balse Saacadaha Soo Aadan Ay Faahfaahin ka bixin doonaan.

Al-Shabaab ayaa inta badan waxaa ay Weerar ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Jubbaland ay Ku leeyihiin Gobalka Gedo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.