Ciidamada Dowlada oo Xalay Baaritaano ka sameeyay qaar ka mid ah Degmooyinka G.Banaadir

Ciidamo ka Tirsan Kuwa Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa Xalay Howlgalo Baaritaan ah ka Sameeyay qaarka ka mid ah Degmooyinka Gobalka Banaadir,sida Waabari dharkeenley iyo qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Baaritaanka  ay sameeyeen Ciidamada Dowlada ayaa ka dambeeyay kadib markii Xalay Degmada Waabari ee Gobalka Banaadir lagu Dilay wiil dhalin yarada,inkastoo aan la garan magaciisa wiilkaasi la dilay.

Gudoomiye ku xigeenka amniga Degmada waabari ee Magaalada Muqdisho Cabdi wahaab Maxamed Maxamuud oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa Sheegay in Wiil dhalin yaro ah lagu dilay Degmada,islamarkana Ciidamada Dowlada ay Baaritaano ka Sameeyeen Xaafadaha Degmadaasi.

Waxaa uuna Sheegay in ilaa hada aan gacanta lagu soo dhigay kooxdii dilka ah u geysatay Wiilkan dhalin yarada ah.

Degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa Mudooyinkii Dambe waxaa ku soo badanayay Dilalka Qorsheysan ee loo geysanayo Dadka Rayidka ah iyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya,inkastoo inta badan Dilalkasi ay sheegtaan Masuuliyadooda Al-Shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.