War Deg Deg ah:- Ciidamada Ammaanka oo Gacanta ku dhigay Gaari Dilal looga geystay Muqdisho

Wararka ka imaanaya Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka Degmadaasi ay Gacanta ku dhigeen Gaari Noah ah oo la sheegay in Labadii Maalin ee la soo dhaafay uu Gudaha Degmada Dharkeynley ka geystay Weeraro Sababay Dhimasho iyo Dhaawac.

Guddoomiyaha Degmada Dharkeynley iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in ay Warbaahinta u soo bandhigi doonaan Gaariga la qabtay,balse ma sheegin in Gacanta lagu hayo Kooxdii Gaariga Weerarka ku Fulin jirtay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.