Buuq Hada ka taagan Xarunta Aqalka Sare Ee Looga Hadlayay Arrinta Qalbi Dhagax.

Wararka inaga soo gaaraya xarunta Aqalka Sare ee dalka,ayaa waxa ay sheegayaan in buuq uu ka taagan yahay, halkaasi iyadoo xubnaha Golaha Aqalka Sare ay ku kala qaybsan yihiin kiiska la xiriira Qalbi Dhagax.

Xildhibaanada Qaar ayaa dhankooda ku adkeysanaya in Ajandaha Shirka aanan laga saarin arinta Qalbi Dhagax, maadaama shalay uu shaaciyay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi cabdullaahi.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa hadda waxaa u socda Shir gaar ah sida ay inoo xaqiijiyeen ilo ku sugan xarunta Aqalka Sare.

Xildhibaanada Aqalka Sare qaarkood ayaa soo jeediyay inaan Ajendaha lagu soo darin arinta Qalbi Dhagax.

Waxii kusoo kordha kala soco

www.gedo times.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.