deg deg xildhibaanada aqalka sare oo ku kala aragti duwanaaday kiiskii qalbi dhagax

Waxaa dib loo dhigay ajandihii Kiiska C/kariin Qalbi Dhagax ee saaka lagu waday inay ka doodaan Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay ku dhawaaqay in Aqalka Sare uu maanta ka doodayo go’aankii Xukuumadda ee arrinta Qalbi Dhagax sax iyo qalad.

Hase ahaatee Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare oo ay hoggaaminayeen Senatora Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Senator Dhagey ayaa Golaha Aqalka sare horgeeyay mooshin ay ku dalbanayaan in ajandaha laga saaro kiiskan.

Buuq iyo jahwareer badan oo hareeyay kulanka Aqalka sare ayaa Guddoonka Aqalka sare waxaa uu go’aamiyay in cod loo qaado in ajandaha in dib loo dhigo ama laga doodo

21 Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ayaa u codeysay in dib loo dhigo ajandaha, isla markaana laga saaro ajandaha dooda maanta, halka 11 Xildhibaan ay diiday, waxaana ka aamusay 4 Xildhibaan.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa sheegay in ajandaha kiiska C/kariin Qalbi Dhagax dib loo dhigay, illaa ay ka soo dhamaaneyso dooda Golaha shacabka oo wali uu kiiskan ka furan yahay.

Xukuumadda Kheyre ayaa tan iyo xalay olole ugu jirtay sidii kulankan loo baajin lahaa ama ugu yaraan kiiska C/kariin Qalbi Dhagax dib loogu dhigo, si aan go’aankii Xukuumadda ka soo saartay todobaadkii hore looga hor-imaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.