XASAASI: Amar yaab leh lagu soo rogay Muslimiinta Rohingya ee u qaxay wadanka Bangaladesh

Win Myat Aye oo ah wasiirka dib u dajinta ayaa sheegay in ay dowlada ogolaan doonto oo kali ah in ay soo laabtaan dadka ku noolaa Myanmar isla markana haysta dhalashada dalkaasi.

Arrintani ayaa waxa ay micnaheedu tahay inay kooban tahay tirada ku soo laaban karta Myanmar maadaama inta badan dadka Rohingya loo diiday dhalashada iyo muwaadinimada Myanmar.

Ku dhawaad 300 oo kun oo ah Muslimiinta Rohingya ayaa ka soo qaxay Myanmar labadii todobaad ee ugu danbeeyay.

Mashaqada ayaa bilaabatay ka dib markii koox Mintid ah ay weerareen 30 saldhig oo ay booliiska leeyihiin.
Dadka Rohingya ee ka soo qaxaya rabshada ka socda Myanmar ayaa waxa ay maalmihii ugu danbeeyay soo gaarayeen dalka Bangaladesh.

Dowlada Myanmar ayaa beenisay in militariga dalkaasi ay si gaar ah u bartilmaamedsanayaan Musliminta Rohingya

Wasiir ka tirsan dowlada Myanmar ayaa sheegay in dhamaan Muslimiinta Rohingya ee u qaxay Bangladesh aan loo ogolaan doonin inay dalka dib ugu soo laabtaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.