Shacabka Soomaaliyeed oo loogu baaqay Banaanbax ka dhan ah Xasuuqa Muslimiinta Rohingya

Shiikh Nuur Baaruud “Gurxan” oo ka mid ah Hay’adda Culumada Soomaaliyeed oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarada ay Ciidamada Burma u geysanayaan Muslintiinta Dalkaasi.

Shiikh Gurxan ayaa sheegay in Dunida Muslimka ah ay gabeen Kaalintoodii ku aadaneed wax u qabashada Muslimiinta dalka Burma oo ay dhibaatada ku hayaan Ciidamada Dowladda dalkaasi ka talisa.

“waa in ay shacabka Soomaaliyeed dhigaan Banaanbax ay ku muujinayaan sida ay ugu xun yihiin dhibka walaalahayn lagu haayo waana waxa kaliya ee aan uqaban karno” ayuu yiri Shiikh Nuur Baaruud “Gurxan”

Sidoo kale Dowlada Soomaaliya ayuu ka dalbaday in ay ka hadasho Xasuuqa Burma ee Muslimiinta Rohingya si loo dareensiiyo xanuunka ay Shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaan Muslimiinta rohingya.

“Waa in ay Madaxda Dowladda Soomaaliya ka hadlaan dareenkooda Muslimiinta la xasuuqayo, si aan u dareensiino walaalahayna Rohingya inaan ka xunahay dhibka heesta” ayuu mar kale yiri Shiikh Nuur Baaruud

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.