Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo dib loo dhigay.

Wararka ay Magaalada Jowhar ka heshay Idaacadda kulmiye ayaa sheegaya in Shalay Wafdi ka socda Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Urur Gobaleedka IGAD ay gaareen Magaaladaasi jowhar Islamarkaana ay ogolaadeen 4 Maalmood oo dheeraad ah lagu daro Xiliga doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle.

Afayeenka Guddiga doorashadda Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cabdi Wali Shiikh Cali ayaa KNN usheegay in doorashadda Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo lagu waday in ay dhacdo 12-ka Bishaan  dib loo dhigay ilaa 16-ka bisha.

Gudiga ayaa sheegay in ay waqtiga oo ku yaraaday Murashaxiinta iyo Gudigaba ay sababtay in dib loo dhigo mudado cayiman doorashada iyagoo sheegay in Golaha Baarlamaanka ay geyn doonaan waqtiga dheeraadka ah.

Doorashadda ayaa lagu waddaa in ay dhacdo 16-ka Bishaan oo ku beegan sabtida soo socota sida ay shaaciyeen Guddiga doorashadda Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.