Xildhibaanada Aqalka Sare oo Maanta Ka Doodaya Arinta Qalbi Dhagax

Xildhibaanada aqalka sare ee baarlamanka Federaalka Soomaliya  ayaa lagu wadaa in ay maanta yeesheen kulankooda caadiga ahaa

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah  ka doodista go’aankii golaha wasiirada dhawaan ay kasoo saareen dhiibidii C/kariin Shiikh Muuse(Qalbi Dhagax) oo ah sarkaal ka tirsan Jamhadda ONLF oo dhawaan loo gacan galiyay Dowladda ethopia.

Xildhibaanada ayaa diirada saari  doona go’aankii golaha wasiirada, iyo dhibbane Cabdikariin Sh. Muuse (Qalbi Dhagax) waxaana la filayaa in ay shirkooda kasoo saaraan go’aano.

Haddii ay dhacdo in aqalka sare qaato go’aan lidi ku ah midkii ay qaateen RW Kheyre iyo golahiisa Wasiirada,  ayaa waxaa dhici karto in golaha shacabkana ay qaataan go’aan kaa la mid ah taasoo horseedi doonta in RW Xasan Cali Kheyre uu lumiyo kalsoonida golaha Shacabka halkaasno xilkiisa uu ku waayo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.