Kulankii Golaha Shacabka oo maanta Kooram la’aan u baaqday.

barlaman

Kulankii la filyay in maanta magaalada Muqdisho ay ku yeeshaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa u baaqday Kooram la’aan sida uu soo sheegayo Wariyaha Idaacadda kulmiye oo Xarunta ku sugan.

Kulanka maanta oo aad loo dhowrayay ayaa la sheegay in ay soo xaadireen 104 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ka tirsan waxaana Ajanadaha Maanta qeyb ka ahaa go’aankii ay Xukumadda ka qaadatay C/kariin Shiikh Muuse “Qalbi Dhagax” sidoo kalane waxa uu kulankaan ahaa kii ugu horeeyay oo ay Baarlamaanka yeeshaan kadib markii ay ka so laabteen Fasaxii Gudashada Waajibaadka Xajka.

Wariyaha Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in ay madasha joogeen Xildhibaano kabadan 104 Xildhibaan balse qaarkood aysan Saxiixin Buugga Shaqo gelidda ama Xaadirinta Golaha sida ay warbaahinta u sheegeen Xildhibaano kale madasha ku sugnaa oo Saxaafadda la hadlay.

Waxaa hada socda kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan Xildhibaano ka soo hor jeeda go’aankii Xukuumadda Soomaaliya ee C/kariin Shiikh Muuse “Qalbi Dhagax”

 

La soco Wixii ku soo kordha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.