Gaariga Gudoomiye ku xigeenka D/Dharkeynlay oo lagu qaaday weerar Sababay dhimasho iyo dhaawac

Koox hubeysan ayaa weerar ay dad ku dhinteen Kuwa kalane ay ku dhaawacmeen ku qaaday Gaariga gudoomiye ku Xigeenka Maamulka Degmada Dharkeynlay ee Gobalka Banaadir sida uu Iaacadda Kulmiye u xaqiijiyay Afayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane.

Afayeenka ayaa Sheegay In kooxda weerarka soo qaaday ay wadatay Gaari Nuuca ay Soomaalida u taqaano Noah waxa uuna weerarka ka dhacay Xaafadda Daba-kaayo Madoow ee Degmada dharkeynlay ee Gobalka Banaadir.

Hal qof oo ahaa Darawalkii Gaariga ayaa ku dhintay waxaana ku dhaawacmay qof kale oo la socday sida uu Sheegen Afaayeenka Gobalka iyo Goob joogayaal halkaasi ku sugnaa.

C/llaahi Xasan Afrax “Shaarkey” oo ah Gudoomiye ku xigeenka Degmada Dharkeeynlay ee la wareeray Gaarigiisa ayaa la sheegay in uusan la socon Gaariga Xiliga weerarka dhacayay.

Laamaha amaanka ayaa Sheegay in ay ku raad joogaan kooxdii weerarka geysatay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.