Akhriso:Waa iga Su aalla Yaa U Maqan Reer Gedo?

abaar

Masuuliyeen xildhibaano iyo wax garad kaso jeedo jubbaland ayaan Eeden u sojeediyay Wasarada Arimaha Güdaha Jubbaland,

Masuliyintan ayaa sheegay in wasarada ay musuq masuqday Deeqo loogu tala galay Gobalka Gedo Xili Qeybo kamid ah ay Ka jiraan Abaaro Baahsan

kadib abaarihii Dalka ku dhuftay waxaa jiray Deeqo isba joog ah oo laga gaarsiiyay Jubbaland kuwaas ka yimid Turkiga iyo Dowladda Federalka Somaliya waxaana wasarada ay ku hungowday Gaarsiinta Deeqdii lagu talagalay Gobalka Gedo

Wasiirka Arimaha Güdaha Jubbaland oo ay kulan la yeesheen Ganacsato kaso jeeda Gobalka Gedo iyo Qaar kamid ah Xildhibaanada Degaanka ayaa waxay talo ahaan u jeediyeen Wasiirka in Deeqda Gobalka Gedo Lagu wareejiyo Ganacsato si iyagoo isticmaalaya Gaadiid ay u gaarsiiyaan Dadkii loogu tala galay Deeqda.

Maamulka Jubbaland ayaa Ku Dooday in wax Deeq aan laga gaarsiin karın Gobalka Gedo Sababo la xiriira Cabsi looga qabo Al-Shabaab in ay lawaregeen Deqahaasi,

Hadaba kulankaasi kadib maxaa dhacay

waxaa ganacsatadii iyo xildhibaanadii u daba maray Wasiirka arrimaha Güdaha Jubbaland Maxamed Farax Warsame Darwiish Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland Maxamud Sayid Adan iyo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyagoo ugu dambeyn isla garty in Deeqdii Gobalka Gedo loogu tala galay la iibiyo isla markaana ay kala qeyb sadaan waxii Dhaqaale ah ee kasoo baxa halkaas

Waxaana gibi ahaan halkaas lagu lunsaday Xaquuqdii Gobalka Gedo iyo Gargaarkii looga Tala galay Bulshada Gedo oo ay abaraha Saameen xun ku yeesheen.

Dhanka kale wax garad is xilqaamay ayaa mudo Afar jeer ah waxay Dacwad gaarsiiyay Gudiga Gurmadka Abaaraha Ee Heer Qaran iyaguna waxay dhagaha ka fureysteen Qeylo Dhaanta Shacabka u nugul Abaaraha iyo Colaadaha isu kaashadeen,

Dhibaatooyinka haysta Gobalka Gedo kuma eka Kaliya Deeqo la lunsado waxaa jira dhibaatooyin Barbar socda Abaaraha iyo lunsashada deeqa, Xabsiyada Degmooyinka Baladxawo Luuq iyo Doloow waxaa buux dhaafiyay dulmanayaan u xiran Cadaalad daro iyagoo anan wax Maxkamad ah xukumid ayey qaarkood xiran yihiin Sanado waxaa intaa dheer Handadaad iyo Dilal joogta ah oo lagu hayo Bulshada degaanka ee ku nool Sadexdaas Degmo waxaana Amarka lagu dhibaateynayo Bulshada Gedo uu ka yimid Madaxweynaha Jubbaland Ahmed Madoobe si looga mashquulo Maamulka Fadhiidka ah Ee Ka jira Kismaayo iyadoo Daadinta Dhiiga Shacabka Gedo loo isticmalayo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan,

Dhanka kale Gobalka waxaa si joogta ah oga dhaca Duqeymo ay geestaan Duyuuradaha Dagaalka Ee Kenya waxaana si arxan daro ah loo Beegsadaa Goobaha Dadka Reer Miyiga ah iyo Xoolahooda iyadoona Amaradda Fulinta duqeymahaas u Bixiyayo Madaxweyne Axmed Madoobe oo si joogta ah Xog Been abuur ah ola Wadaaga Sarakisha Ciidamada Kenya si ay ü Wax yeleyaan Shacabka Gedo.

Gabagabadii Xildhibaanada Dowladda Federalka ah Ee Somaliya ee kasoo jeeda Gobalka Gedo ayaa daawanayo Dhibaatada Gobalka iyagoo Maslaxad gaar ah Dhaafsanaya danaha Bulshada ay u matalaan Dowladda Dhexe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.