Taliska CXS ee Bakool iyo Maamulka Gobalka oo ku mursan Haweeney lagu dilay Gobalkaasi.

Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Bakool ee Koonfur Galbeed Maxamed Cabdi Tool ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliya ee Bakool ku eedeeyay in ay dileen Haweeney aan wax danbi ah galin oo ka mid ah dadka ku nool gobalkaasi.

Alle ha u naxariistee Haweeneyda la dilay ayaa magaceedda lagu soo koobay Faadumo waxaana ka dhashay muran badan dilkeeda kadib war ka soo baxay Maamulka Gobalka.

“Faadumo waxay aheyd Haweeney aan wax danbi ah galin oo ku nool Bakool waxaana i bareer ah u dilay Ciidamada Xoogga, markii aan weydiiyay waxa ay ii sheegeen in uu amray Taliyaha Ciidanka Xoogga Gobalka isagana wali iigama jawaabin sababta uu amray dilka Haweeneydaasi” ayuu yiri Gudoomiye Tool.

Dhinaca kale Maxamed Cismaan Timacade oo taliyaha Xoogga ee gobalka Bakool ayaa iska fogeeyay eedeenta loo soo jeediyay waxa uuna sheegay in Haweeneyda la dilay ay aheyd Al-Shabaab,

“Haweeneyda ay ciidanka dileen waxay aheyd Al-Shabaab aniga ayaana amray in la toogto, Al-Shabaab ayay cuntada iyo caanaha u geyn jirtay mudo badan ayaana raadinay” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga ee Gobalka Bakool.

Shacabka ku nool gobalka bakool ayaa walaac ka muujiyay go’aanka deg dega ah ee laga qaatay Haweeneyda la dilay waxayna sheegeen in ay aheyd in marka hore la soo qabto maxkamad la saaro kadib wixii u soo baxo lagu fuliyo.

Taliyaha Ciidanka Xoogga ee Gobalka Bakool Maxamed Cismaan Timacade ayaa sheegay in aysan maxkamad soo taageyn qofkii Shabaab lagu eedeeyo, go’aanka Taliyaha ayaa abuuraya Cabsi badan waxa uuna Ciidanka u fududeynayaa in ay toogasho ku dilaan qofkii ay ka shakiyaanba

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.