Galmudug oo ka qeyb qaadaneyso sii deysmada Rooble Maxamed Dirir oo ku xiran Jabuuti.

Wariyaasha ka Howlgala deegaaada Galmudug ayaa kulan la qaatay Wasaaradda warfaafinta ee Maamulka Galmudug waxa ayna kala hadleen sidii loo sii deyn lahaa Wariye ka tirsan Suxufiyiinta Galmudug oo mudo dheer ku xeran dalka Jabuuti.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay si weyn uga qeyb qaadanayaan sidii loo sii deyn lahaa Wariye Rooble Maxamed Dirir oo ku xiran dalka Jabuuti sida ugu dhaqsiyaha badana jawaab uga keeni doonaan.

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Cabdiraxmaan Jaamac Afrax oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Galmudug ay ka xun tahay in muddo ka badan 2 sano uu dalka Jabuuti ku xiran yahay Wariye Rooble.

Wasiirka ayaa sheegay in Galmudug iyadoo kaa shaneysa Soomaaliya ay Jabuuti kala hadli doonto sidii loo soo deyn lahaa Wariyaha,islamarkaana ay la kaashan doonaan ururada Suxufiyiinta Galmudug iyo kuwa qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.