Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Itoobiya oo faah faahin ka bixiyay Raysawasaraha Xasna Cali Khayre oo khadka telfoonka kula hadlay dhiggiisa Dalkaasi Hailemariam .

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Itoobiya Mudane Maxamedd Cali Nuur oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaliyeed ee SONNA ayaa faah faahin ka bixyay heshiiska Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku aadan siideynta Maxaabiista ku harsan Xabsiyada Dalkaasi.

Safiirka ayaa sheegay in dhawaan uu dhaqan geli doono heshiiskaasi, isla markaana uu socdo hanaankii loo sii deyn lahaa maxaabiistaasi, kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasna Cali Khayre uu khadka telfoonka kula hadlay dhiggiisa Dalkaasi Hailemariam Desaleng.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.