Koox hubeysan oo Haweeney Uur leh ku kufsaday Marka kadibna si xun u dilay

Kooxo hubeysan ayaa Shalay gilinkii danbe dil fool xun ka geestay Magaalada Marka ee gobalka Shabeelaha Hoose markii ay kufsadeen kadib sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Alle ha u naxariisto Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xaawo Maamow Cusmaan waana Haweeney Caan ka aheyd Magaalada Marka ee gobalka Shabeelaha Hoose lamana oga kooxda dishay waxa ay ahaayeen.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafad lagu magacaabo waa-gaadi oo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Marka ee Xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose, Maamo Xaawo ayaa aheyd haweeney ka ganacsatada quduaarta.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in Xaawo Maamow Cusmaan aysan marna ka cararin dagaalada aafeeyay magaalada marka islamarkaana ay ka dhax ganacsan jirtay labada dhinaca waxayna aheyd qof aad looga yaqaano Marka oo qudaarta ka ganacsato.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale Sheegay  Alle ha u naxariistee Xaawo Maamow Cusmaan ka hor inta aan la dilin ay kufsadeen Kooxdii dilka geysatay oo ka koobnaa dhowr rag ah kadibna ay toogteen.

Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay Haweeneyda la dilay waxaana ay tani muujineysa musiibooyinka ka dhashay colaad beeleedka gobalka oo gaaray 5-ta Sano.

 

Dagaal beeleedka ka socda gobalka Shabeelaha Hoose ayaa gaaray meeshii ugu xumeyd mudada 5ta sano ee uu gobalka ka socdo, Waxaa lagu dilay Caruur, Haween iyo Waayeelba qaarkood dumarka iyo caruurta dab ayaa la qabadsiiyay guryo waa lagu gubay, kufsiga joogto ayuu ka noqday gobalka gaar ahaan meelaha ay ku dagaalamayaan Beelaha iska soo hor jeeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guul daraysatay in ay xal u keento colaadda gobalka waxaana laga yaabaa hadii aan xal deg deg ah loo helin in ay ka dhalato musiibo dalka oo dhan saameysa, sidoo kale waxaa dhici doonto gobalkii kheyraadka badnaa in laga waayo cid ku noolaato sida hada ka jirta Magaalooyinka qaar ee Gobalka.

Sidoo kale Culumada iyo Dhaqanka ayaa gabay kaalintooda kaga aadaneed colaada Shabeelaha Hoose waxaadna moodaa Beelaha dagaalamaya in aysan laheyn Damiir dadnimo iyo culumo wax ka yaqaana diinta oo baajiya dhameynta Caruurta, Haweenka iyo Waayeelkaba aan dagaalka qeyb ka ahayn “Bir ma-gaydada”.

  • Xal u raadinta Shabeelaha Hoose waa waajib saaran dhamaan Shacabka Soomaaliyeed kuwooda waxgaradka ah si loo baajiyo Tacadiyada halkaasi ka dhacaya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.