Doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo Dib u dhac ku yiimid iyo is mari waa ka jiro magaalada Jowhar

hirsh

Ismari waa siyaasadeed oo ka jira magaalada Jowhar oo la sheegayo in laga yaabo in doorashada madaxweynaha Hirshabeelle dib u dhac ku yimaado waqtigii logu talagalay in la qabto doorashada maamulka Hirshabeelle.
Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa kulan ku deg deg ah leh magaalada Jowhar, waxaana la filayaa inay soo saaraan go’aan ah in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Sababta ka dambeysa dib u dhaca doorashada ayaa lagu sheegay inay tahay is qabqabsi u dhaxeeya musharixiinta ku tartamaya xilka madaxweynaha Hirshabeelle, kaasi oo qaab beeleed ku saleysan.

Ma jiro ilaa iyo hadda musharax buuxiyay dhamaan sharuudaha doorashada madaxweynaha ee laga doonayo, waxaana ilaa iyo hadda guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle aysan qaban araajida musharixiinta xilka dooneyso.

Guddiga doorashada,  ayaa marka ay qabtaan araajida musharixiinta waxay bixinayaan shahaado muujineyso in musharaxa uu tartami karo xilka madaxweyne ee maamulka Hirshabeelle.

12 bishaan ayaa horey loo qorsheeyay inay dhacdo doorashada madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana soo baxaya in maalmo kale lagu dari doono oo dheerad ah.

Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle kulankooda u socdo waxay kasoo saari doonaan go’aanada la xiriira waqtiga ay doorashada dhaceyso.

Dhanka kale Beesha caalmka ayaa ka hadashay qilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda maamulka Hirshabeelle iyo xildhibaano

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.